Monday , 26 June 2017
Breaking News

Somaliland iyo Khaatumo oo ku heshiiyey in Dastuurka la furo

Hoos ka Daawo nuxurka qodobo xaasaasi ah oo ka soo baxay kulankii Afaraad ee dhex maray Somaliland iyo Khaatumo oo ka dhacay Hargeysa….

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo Afhayeenka Baarlamanka Khaatumo

Hargeysa(GNA)-Somaliland iyo Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in wadahadalada u socday waji kale oo cusub u gudbeen.

Kaddib kulan Magaalada Hargeysa ku dhex maray Guddiyada labada dhinac u qaabilsan wadahadalada, waxa ay sheegeen in qodobo isfaham ah laga gaadhay kulanka Maanta dhacay.

Wasiirka Wasaarada Arribada DIbada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa saxaafadda u akhriyey qodobada ka soo baxay Shirkaasi.

Dr. Sacad ayaa sheegay in lagu heshiiyey, in tobanka bisha Jully lagu qabto Magaalada Burco, shir lagu saxar iyo suxur tirayo Khilaafka u dhexeeya.

Qodobada lagu sii ambo-qaadayo Shirka Burco, waxa kamida in la furo Dastuurka dalka iyo in laga wada xaajoodo sidii loo heli lahaa Somaliland la wada leeyahay oo Cadaalad iyo siniin ku dhisan.

In la sii wado xoojiyo nabad ku-wada noolaashiyaha iyo horumarka iyo in meel looga soo wada jeesto cid kastoo Cadow ku ah Somaliland.

Halkan ka Daawo:

Kulankan maanta dhex maray labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo oo wajigii afaraad, ayaa waxyaabaha muhiimka ah ee natiijadiisa ka muuqda waxa kamida arrinta furista  Dastuurka oo ah qodob aad u xaasaasi ah.

lama saadaalin qaabka loo waajihi doono qodobada xaasaasigaa ee ay ku dhawaajiyeen labada dhinac inay ku heshiiyeen.

Hase ahaatee muhiimada ugu weyn ee ku jirta wadahadaladdu waxay tahay in nabad iyo xasilooni waarta lagu soo af-jaro xiisadda mudada dheer ka aloosan Gobolada SSC.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sanadkii hore iclaamiyey shir-weyne Qaran oo dhex mari doona Xukuumaddiisa iyo Beelaha Dhulbahante, kaasoo sida madaxweynuhu wakhtigaas ku dhawaaqay qabsoomi lahaa Bishii October ee 2016-ka.

 

Leave a Reply

Scroll To Top
Descargar musica