Somaliland oo ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah

Shaacinta Natiijada Imtixaanka + Arday ka Mudaharaaday + Wasiir ka hadlay iyo Booliska oo talaabo qaaday…

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Wasiirka Waxbarashada oo ku dhawaaqay Imtixaanka

Hargeysa(GNA)-Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Qaranka, ayaa ku dhawaaqay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 4aad ee dugsiga sare iyo 8-aad ee Dugsiga hoose dhexe.

Shir-jaraa’id oo ay xafiiska Imtixaanaadka ku qabteen Madaxa Xafiiskaas iyo Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada oo uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradaas Cabdilaahi Ibraahim Habane, ayaa lagu shaaciyey natiijada guud ee Imtixaanka iyo Ardayda Kaalmaha hore gashay.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo halkaa ka hadlay ayaa ku dhawaaqay Imtixaanka.

Halkan ka DAAWO:

Geesta kale, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane, ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha uu Sanadkan Imtixaanku kaga duwanaa sanadihii hore.

Halkan ka Daawo:

Geesta kale, markii Imtixaanka lagu dhawaaqay, ayaa waxa dibad-bax ka sameeyey afaafka hore ee Wasaarada Arday Imtixaanka dhacay oo aad u tiro badan kuwaasoo ka cabanayey natiijada Imtixaanka oo ay sheegeen inaanu sax ahayn.

Ardaydan oo rabshad ka sameeyey afaafka Wasaarada, isla markaana socod ku maray Waddooyinka Magaalada qaarkood, ayaa markii dambe waxa kala dareeriyey Booliska oo halkaa soo gaadhay.

Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay Mudaharaadka Ardaydu samaysay.

Halkan ka Daawo:

Wasaarada Waxbarashada Somaliland, ayaa markii Imtixaanka Ardaydu gelaysay aad uga digtay inay Ardaydu galaan khaladaad sababi kara inay lumiyaan natiijada Imtixaanka, iyagoo sheegay in Ardayga lagu qabto isagoo isticmaalaya Mobil ama qalabka kale oo u sahlaya Qishka la Kansalayo Imtixaankiisa.

 

Leave a Reply