Suldaan Cumaani Ka Sareeye Caaqil Waana Suldaan Qaran..

Waxa Maalintii Salaasad ee 22ka Bishan Magaalada Burco lagaga dhawaaqay shaacinta Suldaan cusub oo haddii Alle idmo dhowaan ku soo biiri doona fagaaraha Madax-dha-qameedka dalka, gaar ahaan-na Saaxadda Salaadiinta.
Suldaanka shaacintiisa Maanta lagu dhawaaqay, ayaa ah Cabdirisaaq Odawa Faarax Abtidoon oo loo yaqaan(C/risaaq cumaani)

Beesha Reer Xaaji ee Adan Madoobe oo uu Reer ahaan ka soo jedo oo indhowydba ka shirayey sidii Beeshu ay Suldaan u yeelan lahayd. ayaa ayaa kadib markii ay Beeshaasi si Rasmiya isugu Isku raacday in Suldaan U doortaan Cumaani. ayaa Odayaasha Reerku ooXaflada shaacinta oo ay ku qabteen Magaalada Burco kaga dhawaaqeen in ay Suldaanka Beesha Reer Xaaj u Xusheen in uu Noqdo Cabdirisaaq Cumaani. iyaga oo Odaayshu Madaasha ka Cadeeyey in ay iyagu Go, aansadeen Xulashashadiisa isla markaana ay ku wargeliyeen Xilka ay u Doorteen, isaga oo aan haba yaraate aan wax Doc iyo Dareen toona ah aan ka hayn Cumaani,ahaan. aqbalaadeedana uu in muddo, ah ka wareegaalaystay Codsiga Odayaashana ka Gaws adaygay. haddana ugu dambayntii waxa wuu ixtitraamay Go,aanka Odaayshiisa iyo Rabitaanka Reerka ayuu yidhi Mid ka mida Odayaashii Madasha ka hadlay, siga oo hadalka sii watana waxa uu yidhi:Xitaa Maantadan wuu ka Maqan-yahay oo ma joogo Madashan Suldaan-nimadiisa aanu ku shaacinayno.
waxayna taasi ay idiin cadaynaysa in isagu Xil doon marna aanu ahayn sida dadku isaga badan yahay’ iminka. balse Mus; dambeedka Reerku ay u Calmadeen in uu Beesha u noqdo Suldaan ayuu Odaygaasi hadalkiisii kaga baxay.

waxa kale oo iyaguna dhankooda Shaacinta Suldaanimada Cabdirisaaq Cumaani si wayn oo Meeqaam sare ah. u soo dhoweeyey Beelaha kale ka so jeeda Beelwaynta Adan Madoobe.

haddaba waa kuma suldaan cumaani?

waa Mulkiilaha iyo Maareeyaha Guud ee Sharikadda wayn ee Somaliland Horn Group oo la ogyahay in ay horumarka dhismaha Dalka Hormuud ka tahay gaar ahaanna Casriyeynta Madaarada Dalka iyo Jidada kala duwan ee isku Xidha Gobalad Jamhuuriyadda Somaliland&Magaalooyinka wawayn Dalka. ahna Sharikada sida Casriga ah u Dhistay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee Caasimada Haragaysa.

Haddaba waxa laga yaaba in ay Maankaga ku so Dhacdo is waydiinta ah, Wa maxay
Sababta ay Beeshiisu ku Xulatay in ay ugu Cumaamadaan Suldaan-nimo, aanu Codsan Isagu!! ” Ma Hantiisa, Mise Baro kale ayaa Keenay?
Haddii aan akhriste Jawaabta si fudud kugu so dhoweeyo… Cabdirisaaq Cumaani waa Nin ku caana Daacadnimo, Dabeecad Wanaagsan, Aqkhlaaq Suuban. laguna yaqaano Dhaqan Wanaagaan. Afgaaban hadana Aftahana. aan lahayna 3da Barood Saldanada u Cadawga ah Somaliduna Hore uga Maah-maahday.
ee kala ah
Saldanad waxa ka dila
1) Gacan Gudhan.
2) Garsho Gaaban.
3) Gudoon jilisan.

kuwaasi uu dhamaantood ka fayoow-yahay.
Waxa aan sida u leeyahay waa Deeqsi ku Caan ah Wax bixinta Labadiisa Gacmoodna ayna is ogaan marka uu wax bixinaayo.
##Waa Aqoon yahan indheer garada. Rabbi-na ku Galaday Caqli wanaagsan iyo Idheergard-nimo Qotodheeriyo Aragti Fog leh Eebe Hibo u siiyey weeye.

waa Shakhsi Go,aan adag, Runta aan lagaban, leh Curin iyo aragti ku dhisan Caqli Suuban iyo Garsho Fayoow.

Waxa Shakhsi ilaa xad Fur-furan oo Bulshaawiya, ahna Qof Caqli hadla ee aan Caadifad hadal, Xikmad hadla ee aan Xili hadal.

waa Shaqsi Aqoon durugsan u leh dhaqanka iyo Hiddaha Suuban ee Umaddiisa.

inta aan ka Qoraa ahaan aan ka aqaan Suldaanka Qof,ahan ayuunbaan inta ku so koobay. wana la iga badiyaa :

Gababadii aan ku so Gunaado Kelmed Duco ah.
waxana aan leyahay Alle haku asturo Xilka Culus ee Laguu igmaday, hana kaa kii ka soo baxa waajibka Culus ee saaran. Insha- Allahu:

Wabilahi Tawfiiq.

Waa Qalinkii
Saciid Xuseen Riraash (Saciid Cawke)

 

Email: saidcawke@hotmail. com

tell: +634818337

Leave a Reply