Tix gabay ah: Galiilyo

mym

Galiilyo waa gabay jacayla ku soo baxay taariikh dhab ah XILI ADOO UU KU BIYO DHIGAY GALGACAL AAD U BADAN UU WAKHTIGII AAD SUGAYSAY UU SOO DHAwaado tiiyoo adiyo gacaladaa aad ku heshiiseen inaad wax walba aad dhamaysaan si reer loo abuuro balse ay duruufuhu kugu adag yihiin xaga jeebkana aadan awood ka lahayn sidaas ayuu u dhacayaa tixdan gaabaniwaana tan hoose

 

  • Sheekadii in badan igu gignayd iguna guumoowday
  • Ee gibisha iyo heeryo wayn guudka iga saartay
  • Ee weliba igu giigtirayd een la goconaayey
  • Sheekadii u gubaysee hurdada gama'a ii diiday
  • Ee gooni aan taag u biday inaan la gaafmeero
  • Galiilyada warkii aan ku qabay gooha iyo reenka
  • Ee aan la gaafmeer ahaa gu'iyo dheeraadka
  • Arinkaan u gaalgaali jiray yimi gadaankiiye
  • Go'aankiisu maantuu ahaa waakan soo galaye
  • Wax la galo wuxuun loo gudiyo warar la gaagaabsho
  • Dar guracan halay gawracaan amase gooyaanba
  • Ka gu' wayn dhabtii sheekaadaan soo gardaadiyaye
  • Mase gudo inaan gogol dhigtoon sheegto gedahaye
  • Balse inaan gudoonsado kartida waw golmoonahaye
  • Guuloow sidaan maaganiyo nolosha guudkayga
  • Iyo gebi siday hawshu tahay kala gedweeyaane
  • I gargaar allahayow samaha guushu waa libine

                                                         aalaa mahad leh
                                             maxamed yaasiin maxamed ilkacase
                                                    mymnaleye@hotmail.com

Leave a Reply