Wasiir Saleebaan Xaglo Toosiye oo Cadeeyay in uu S/land U dagaalamaayo Jiritaankeeda:

Wasiir Saleebaan Xaglo Toosiye oo Cadeeyay in uu S/land U dagaalamaayo Jiritaankeeda:

Qaybe Berigaa  Hadalbuu yidhi waxaanu yidhi  Xadka Somaliland ma Qorlugadbaa?

;Markaa ana waxaan leeyahay Xadka Somaliland ma burcaa?

 

Hargaysa:== Wasiirkii Hore ee wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr:Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo toosiye ) ayaa guud ahaanba iska Daadifay Warar maalmahii u dambeeyay ku jiray warbahinta maxaligaa iyo Baraha Bulshada, kuna saabsanaa in wasiir xaglo toosiye uu damacsan yahay inuu ka baxo Somaliland xadkeeda islamarkaana uu La baxsaday Baabuur dawladu leedahay wasiirka oo manta ka hadlaayay xaflada uu xilka wasiirnimo ku wareejinaayay wasiirka Cusub ee madaxweyne Muuse biixi u soo magacaabay wasaarada caafimaadka ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaaya dareenkiisa ku aadan wararka sheegaaya inuu ka cadhooday liiska xukuumada Muuse biixi cabdi waxa uu yidhi .

,;Aadbaan ugu faraxsanahay  Xukuumada madaxweyne Muuse biixi cabdi  soo dhisay ,kama xumi in madaxweynahu iga reebo liiiska xukuumadiisa sida dadka Qaar sheegayaan waayo waxaanu  ahayn Dhawr iyo Todobaatan Wasiir oo Xukuumada Siilaanyo ah madaxweynahu wuxuu soo celiyay Afar (4)Wasiir , markaa hadii uu inta kale soo celin lahaa oo uu aniga iga reebi lahaabaan cadhoon lahaa laakiin uu soo wada celin saaxiibadaydii kale , markaa waan ku faraxsanahay Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi cabdi;

Dhinaca kale wasiir Xaglo toosiye waxa uu meesha ka saaray  hadalada  wararka sheegaaya inuu S/land ka goosanaayo isagoo tilmamay in isaga Somaliland tacab kagalay waxaanu yidhi sidan;

;Aniga Somaliland Tacabaa iga galay oo igaga jira Halkaanan ku dhashay ku barbaaray

Hantiban ku leeyahay oo guryaa Iigu yaala Xaaskaygiibaa  Joogta Caruurtaydiibaa Degan markaa kuwo Somaliland u yaqaana in Beel Amma Cid Gaari leedahay Nacdali ha ku dhacdo  kuwaasi;

Geesta kale mar uu ka hadlaayay warar la xidhiidha Baabuurtiisii lagu qabtay magaalada burco waxa uu yidhi ;

;  Laba Baabuur oon midna anuu leeyahay midna wasaaradu leedahay oo ku baxay amar aan anuu siiyay anoo wasiira ayaa lagu qabtay oo la yidhi wuu la baxsanaayay ,Arintaasi maaha mid cusub oo Alle ha u naxariistee Qaybe ayaa sidanoo kale loogu Qabtay Qorilugad markaasaa la yidhi wuu la baxsanaayay;

Qaybe Berigaa  Hadalbuu yidhi waxaanu yidhi  Xadka Somaliland ma Qorlugadbaa?

Markaa ana waxaan leeyahay Xadka Somaliland ma burcaa?

; wasiir Saleebaan Ciis Axmed Xaglo toosiye ,wuxuu meesha ka saaray in madaxweyne Muuse Biixi Arintaa ku lug leeyahay waxaanu yidhi mar kale;

; Ma qabo in madaxweynahu Arintaa wax ka ogyahay lugna ku leeyahay waxaan qabaa inuu beri ka yahay ;

Wasiir Xaglo toosiye mar uu ka hadlaayay Qadiyadiisa Jamhuuriiyada Somaliland waxa uu sheegay in uu isagu Somaliland u Dagaalamidoono Jiritaankeeda waxaanu yidhi sidan;

; Anuu Somaliland Cidii isleh waa ka baxayaa oo waa la Dagaalamayaa waxaan leeyahay oon u sheegayaa in aan u Dagaalamaayo Somaliland Anuu Qadiyadeeda Dagaalku maaha kii Faysal Cali Waraabe sheegaayay ee Jabhadii waa mid dhanka Horumarka ah ,meelna ka tagimaayo anuu Somaliland Tacabaa iga galay mar kale waan ku celiyaaa anuu Somalilandbaan ahay oo Dalkaygaa ;;;;;;;;;;

Sikastaba ahaatee hadalka wasiir Xaglo toosiye ayaa imanaaya xili maalmahii u dambeeyay warbaahintu qoraysa inuu Wasiir Xaglo ka Goosanaayo Somaliland,balse wasiir Saleebaan Xaglo toosiye ayaa Wararkaasi ka saaray Saaxada Siyaasada waxaanu kumacneeyay inay yahiin warar ka yimi cadawga Somaliland.

Mustafe Axmed Herer

Gobanimonews.com

Hargaysa /Somaliland

Leave a Reply