Wasiirka Ciyaaraha: “Ma jiraan Ciyaartooy la kala diray”

Hargeysa, 25,01,2018-Khamiis(GNA)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire oo u waramay Telefishanka Horn-cable, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay amar uu Wasiirka Maaliyaddu ku kala diray Koox ku ciyaari jirtay magaca Wasaaraddaas oo todobaadkan dhexdiisii Warbaahinta u sheegay in laga joojiyey Shaqaada, iyadoo arrintaasna ay Xisbiyada Mucaaridku ku dhaliileen Xukuumadda Madaxweyne Muuse oo xilligii Olollaha Doorashada balanqaaday dhiiri-gelinta Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.

Wasiir Boos, ayaa sheegay inaan Siyaasadda Madaxweynaha iyo Xisbigiisa ay ka hor imanayso curyaaminta Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Xirfada u leh ee u baahan in lagu dhiiri-geliyo.

Halkan ka Daawo:

Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada ayaa hore uga gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan sababta ay Kooxda ku ciyaaraysay Magaca Wasaaradda u kala direen.

Leave a Reply