Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha oo booqday Sool

Wasiir Faratoon oo Gobolka Sool u safray isagoo aan wali xilkii la wareegin..hoos ka Daawo warbixin Muuqaal ah

Sool iyo faratoonLaascaanood(GNA)-Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon, ayaa booqasho ku tegay Gobolka SOOL waxaana lagu soo dhaweeyey magaalo-madaxda Gobolkaas ee Laascaanood.

Wasiir Faratoon oo xilka loo magacaabay saddex maalmood ka hor, ayaa shalay u ambo baxay Gobolka sool, isagoo aan xilka la wareegin. ujeedada socdaalkiisa ayaa la xidhiidha howl-gal uu kaga qayb-qaadanayo Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabmaysa Gobolkaa.

Wasiirka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Deegaamada Gobolka Sool ee uu sii maray.
HALKAN HOOSE KA DAAWO WARBIXIN MUUQAAL:

Leave a Reply