Wasiirka Cusub ee Maaliyadu ma ku hafan doonaa caqabadaha horyaala mise durduruu ku dhaafi doonna ????

Wariye:Barkhad-ladiif M. Cumar, Barkhadladiif@hotmail.com

Wasiirka cusub ee Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi tan iyo intii la doortay fagaarayaasha uu ka hadlo waxa uu ka jeediya hadalo macaan oo u badan axaadiis iyo sunihii asxaabtii Nabigu (SCW) udhaqmi jireen Inuu kaga dayan doonno, haseyeeshee waxa aanu ogayn inay dadku ka badow baxeen siyaasi hadalkiisa macaan aan ku darin ficil, waliba waxa ka horeeyey oo wasaaradiisa hore usoo qabtay rag xaga wadaadnimada iyo diintaba ka gaadhay darajada Imaam, haseyeeshee quraanka iyo axaadiista u adeegsan jiray uun hadba waxa hor yaala inuu kaga baxo, taas oo dad badani saluug ka muujiyeen in qawlkaasi wanaagsan ee uu umadda u jeedinayo ka muuqan ficiladiisa shaqo,sidoo kale waxa jira rag ganacsato ah oo wadaado ah oo inta cashuurta ku waajibtay bixin lahaayeen ka door bidaya laaluush ay ku soo dhaafsadaan alaabtooda, iyagoo dhaqankaasi ku shaqaysta hadana safka hore ee masaajidka wacdi la fadhiya in xaaraanta la iska ilaaliyo hadda waa kuwii laaluushka bixinayey. Hadaba is aaminkii iyo kalsoonidii dawladnimada lagu qabay  rag hore dilay ee yaanu wakhtigu kaaga lumin hadal macaan ee waxa loo baahan yahay ficil dhab ah in lagaa arko inta hadal galin lahayd. wasiirka waxa hor yaalla caqabado badan wasaaraduna waa mid dusha sare ka dhisan, balse hoostu madhan tahay oo nidaamkii maamul daadajin lahayn, waxa kaliya oo  wada shaqeeyaa waa wasiirka iyo maamulayaasha kastamda oo si toos ah u wada xidhiidha, wasiir walba waxa uu ka talaabsada jaranjarooyinka wasaaraddu u dhisan tahay, mana jirto wax maamul daadajin oo wasaaradaha dalka ka shaqeeya, waxaana loo baahan yahay in marka hore uu wasiirk dajiyo sidii wasaaraddu u dhisi lahayd nidaamkii kala dambeeyey iyo siyaasad cad oo wasaaraddu ku shaqayso, wasiirku hadii uu dajiyo siyaasad nidaam hufan leh waxa ka yaraanaysa shaqadan kaligii dusha ka saaran.

Inta badan miisaaniyadeenu 80% dakhligeenu waa kastam, waxa jira sagaal kastan oo waaweyn oo kala ah kastamka Berbera, kastamka Kala-Baydh, kastamka Saylac, kastamka Beer, kastamka Caynaba, Kastamka Laascaanood, kastamka Wajaale, kastamka Boorama iyo Kastamka Madaarka, waana Illaha u badan ee dakhliga dalkeenu ka soo baxo.

Hadaba, kastamadan lacagta ay soo saaraan in yar mooyee inta kale qasnado kale ayey ku dhacaan, waxaana meesha jooga rag khuburo ku noqday in wasiir kasta oo yimaadda sida loola dhaqmo iyo sida loola saaxiibo ku takhusay, waxaad arkaysaa maamule kastan oo lix sanno aan laga bedelin kastamka loo dhiibay, wasiir kasta oo yimaadana la jaan qaadda, bal u fiiro kastamadda ugu dakhliga badan raga jooga lama bedelo xiitaa haddii uu maamule wanaagsan oo kastamkaasi shaqo fiican ka qabtay in loo bedelo kastan kale oo wax soo saarkiisu yar yahay si uu kuwa kale usoo gaadhsiiyo,laakiin taasi ma dhacdo oo waxa lagu naasnuujinaya kastamkan caanaha badan si uu naftiisa, ka wasiirka igmaday iyo intii qaranka ee faro guud ahaydba  u farsameeyo, waxaanu maamulahaasi meeshii lagu ilaaway ee lagu ilaashanayey ka dhigtay goob uu leeyahay oo aan cidi kula xisaabtamayn wixii uu keena uun la arko waana dib u dhacyadda dalkeenna ina haysta.

Nidaamka kastamyada waxa weeyi in muddo marka uu maamule kastam joogo si aanu meesha u yeelan, isla markaana xidhiidh fiican ula samaysan gaancsatada ka adeegta kastamka loo bedela waana meertada shaqadda in la isku bedbedelo, laakiin waxa jira oo labaddii wasiir ee Maxamed Xaashi ka dambeeyey ina bareen in dadka qaar lagu naasnuujiyo kastamada ay joogaan, hadii aad dib u baadho maamulayaasha kastamada waaweyn mid waliba hanti badan buu ka samaystay kastamkii uu maamulayey, taasina waxay timid markii isla xisaabtan la waayey, sidoo kale, waxa jirta sababta aan nidaamkii kastamadda ee meertadda shaqada ahayd loo mari waayey in maamulo kasta oo jooga kastam caano badan uu ku xidhan yahay qof adag sida madaxtooyadda ama wasiirka Maaliyadda ama oday awood ku dhex leh xukuumadda. Taasina waxay keentay in la arko maamulo kastam ka awood badan badhasaabka gobolka uu ka shaqaynayo maadaama oo ay lacag badan yihiin.

Waxa jira dad marar badan ka soo cawday qaabka anshax darada ah ee maamulayaashu ula dhaqmaan dadka cashuur bixiyeyaasha ah, haseyeeshee cid wax ka qabatay ma jirto, waxaad arkaysa wakhti shaqadii lagu jiro oo maamulihi kastamku wakhti galin hore lagu odhanayo wuu hurdaa ama safar gaaban ayuu dalka jaarkeena ka soo noqonaya oo lala sugayo saxeexiisa oo marka uu yimaado uun inta uu saxeexo hawlihisa kala tuurayo.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay si fiican u shaqaysay mudadii gaabnayd ee Maxamed Xaashi Cilmi wasarada joogay, waxaana wakhtigaasi arrimahaasi u suurogaliyey waxa uu hawlgaliyey dhalinyaro cusub oo xoog iyo maskax haya, taasina waxay keentay in muddo gaaban  lix bilood oo mushahar shaqaaluhu ku lahaayeen bixiyo, deyn badan oo lagu lahaa uu sadex bilood ku biixyo,isla markaana uu waliba dakhli badan usoo hadho, lix biloodna uu shaqaalihii iyo ciidamadii mushaharka u kordhiyey, waxa kale arrintaasi kuma gaadhin ee waxa uu ka shaqaysiiyey dhalinyaro shaqada ku cusub, waxaanu buulka wada dhigay ragii ku mamay cunista xoolaha dadweynaha ee kastamada joogay, kuwaas oo la saaxiibay ganacsatadii cashuurta laga qaadayey isagoo meeshii ka dhigay qaataye qaado.

Inta badan waxa wasaaradaheena ka dhaca in marka uu wasiir cusub wasaarada la keeno in dad ka joogo waaxaha lacagta leh markiiba wasiirka waxay u laabaan wax la yidhaahdo xagal dejiin oo isha wasiirka la iskaga leexinayo la iskuna barayo, wuxuuna wasiirkaasi noqda af wax cunay cishoo, ka dibna waxay noqdaan indhihiisa iyo dhagihiisa wax aan iyaga ahayna ma maqlo mana arko, taasina waxay wasaaradaha gayeysiisay in wax isbedel ahi ka dhicin wasaaraddii wasiir uun baa wasiir bedela laakiin shaqo xumaddii waa halkeeddii wixii laga cabanayey waa sidiisii.

Masuqmaasuqyadda la doonayo in lala dagaalmo maaha kuwo muuqda balse waa kuwo qarsoon, tusaale ahaan meelaha dakhliga laga helo maamulaha jooga iyo ganacsada ka adeegsaddaa ayaa heshiish qarsoodi ah wada galla, tusaale ahaan ninka ganacsatadda ee Mobilo la soo degaa boqolkii midhba waxa dawlada cashuur ugu jirta kun dollar, haseyeeshee maamulaha kastamka iyo ganacsadu waxay ku heshiiyaan in kunkii dollar ee laga qaadi lahaa laaluush ku bixiyaan oo laba boqolna qasnadda dawladda la galiyo, saddex boqolna maamulaha la siiyo shan boqolna usoo hadho ganacsadaha amaba boqol kale oo mobile uu soo dhaafsado oo aan la cashuurin, waana tabooyinka iyo khiyaamooyinka ay sameeyaan ganacsatadda iyo maamulayaasha kastamadda.

Tan iyo intii Somaliland la yegleelay waxay dadku ka markhaati furayaan inuu wasiirkii ugu wanaagsanaa ee wasaarada Maaliyadda soo maray uu ahaaa wasiir Maxamed Xaashi,waxaana shakhsigii mudadii uu joogay wasaaradda boqolkiiba konton qabtay wixii xukuumaddii kulmiye ee Axmed Siilaanyo ololaha ku gashay, haday tahay mushahar kordhin, haday tahay bilaashka laga dhigay ardayda dugsiyadda dhexe, haday tahay hirgalinta mishiinka Kalyaha ee illa hadda shaqeeya iyo haday tahay wadooyinkaas faraha badan ee gobolada oo dhan laga hirgaliyey waa dhakhligii uu waagaasi uu soo xareeyey, isagoo la og yahay halka uu ka bilaabay iyo qasnada dawlada oo madhnayd.

Wasiirka cusub hadii uu ku dhac yeesho oo uu sidii Maxamed Xaashi doonayo in taariikhdu xusto waa inuu ga’aan qaadasho dhab ah la yimaadaa, kana go’an tahay inuu doonayo inuu fuliyo balantii uu madaxweynaha cusub la galay shacabka ee ahaa la dagaalanka musmuqmaasuqa iyo cadaalad darada iyo in aanu miskiinka uun cashuurta laga qaado taajirkana laga leexleexdo.

Wasiir wasaaradda Maaliyaddu waa udub dhexaadka dawladnimadda, hadba sida ay u shaqayso uun buu qarankanka horumar u gaadhay, haddii aad doonayso in hawshaasi lagu xil saaray si fudud kugu hirgasho waa inaad qodobadan hoos ku qoran oo ah caqabadaha ku horyaalla wax ka qabataa:

Guushaadu waxay ku xidhan tahay wax ka qabashada qodobadan:

1.        Wasiir haddii aad doonayso inaad wax qabato waa in dhamaan maamulayaasha iyo qasnad hayeyaasha aad wada bedesho kuna bedelo dhalinyaro cusub oo dardar hor leh wadata.

2.       Waa inaad dhisdo waaxdii kastamadda sida uu dhigayo xeerka kastamadda waana inaad ilaaliso qaab dhismeedka wasaaraddu iyo sida ay u kala sareeyaan oo aanu wasiirku soo dhaafin nidaamka dawladeed ee qaab dhismeedka wasaaradda, maxa yeelay wixiii Maxamed Xaashi ka dambeeyey waaxdii kastamadda lagama shaqaysiin, waxaana si toos ah wasiirku ula xidhiidhayey maamulaha kastamadda.

3.       In markasta oo muddo la joogo uu wasiirka cusub hawlgaliyo meertadda shaqadda oo aanu maamule kastan meel lagu ilaawin oo kolba meel loo bedelo si u kala go’aan xidhiidhka uu ganacsatadda la samayn lahaa oo uu kolba kastan kale loo bedelo waana nidaamka dakhligii dawladdu ku soo xaroon lahaa.

4.       In ganacsatada loo sameeyo diiwaan loo kaydiyo oo ah  sida cashuurta dawladda u kala bixiyaan looguna tixgaliyo hadii dhul dan guud ah  la iibinayo ama adeeg kale oo dawladdi u baahan tahay hadii ganacsatado rabto loo tixgaliyo sida cashuurta dawladda loo kala bixin badan yahay, taasina waxay keenaysa In ganacsataddii u tartamaan inay cashuurta bixiyaan.

5.       In wasiirku sameeyo kormeer joogta ah oo wakhtiyo kala duwan uu si kadis ah u booqdo goobaha dakhliga uga soo baxo.

6.       Inuu sameeyo Odhadkii gudaha oo madax banaan oo wasaaradda gudaheega odhadkeedu hawlgalaa.

7.       In la cashuuro shirkadaha ugu dakhliga badan ee Isgaadhsiinta oo qaarkood shan boqol oo milyan sanadkii macaashaan taas oo haddii dawladdu ka qaadi lahayd 120 milyan waxtar weyn u ahaan lahayd, hadda lama cashuuro marka laga reebo biraha dhaadheer iyo dhismayaashooda mooyee, waxaana dawladdu ka heli lahayd dakhli badan.

8.       Tan iyo intii ay soo baxeen lacagaha Mobiladda ee loo yaqaan Zaad-ka iyo Edahabka waxa qiimo jabay lacagtii Shiling Somaliland, sidaas darteed hadii danta shacabka la eegayo waa in gabi ahaanba la joojiyaa boqolka dolar wixii ka yar in dollar lagu isticmaalo .

9.        Sidoo kale, waa in la cashuuro Zaadka iyo Edahabka oo ah Bangiyo gaar ah oo kayd ah.

10.   In aad ku cadaadiso in Baanka dhexe la socda lacagta wareegaysa Mobilidda,isla markaana sida dalalka isticmaalka mibile ka lacagta Banka dhexe uu isagu xadiddo lacagta suuqa lagu siidaynayo ee dhex wareegaysa hadii kale waxay ka dhigan tahay sidii qof mishiintii lacagta guriga dhex dhigtay oo kolba inta uu doono daabacanaya, cidi ma oga inta Digit ee u xisaabsan ee lagu bedealyo lacagta adag, marka arrintaasi waxay u baahan tahay go’aan adag oo shirkadaha lagu xakameeyo oo mid walba hogaanka loo siideyn waana caqabadda ugu weyn ee wasiirka hor taalla sida uu qiimaynayo danta guud ee shacabka iyo shirkaha macaashka doonta ah ee wax walba ka horeysiinaya faa’iidadoodda.

Wariye:Barkhad-ladiif M.Cumar,

Tel:2524489033

Em:barkhadladiif@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply