Monday , 26 June 2017
Breaking News

Wax Ka Ogow Wershada Sibidhka Berbera iyo Saamiga lagu bixiyey

Wersheda Sibidhka Berbera Waxa La Dhisay Dabayaaqadii Todobaataneeyadii Mudo ayaa Dhismaheeda Iyo Tababarka Shaqaalaheeda Lagu Hawlanaa Waxa Dhismaheeda Bilaabay Qaybteedi Hore Inay Dhisaan Shirkad  Kuuriyada Waqooyi ah Waxa Qaybtii Danbe Ee Wershada 8 Sano Ka Dib Dhamaystirtay Shirkad Faransiis ah Waxaa Loo Tababarayey Shaqaale Mudo Hal Sano Iyo Badh ah.

17 March 1987 Ayaa Kiishkii Ugu Horeeyey Ee Sibidh ah Laga Soo Saaray Wershada 12,000 Kiish Ayaa Maalintii Ka Soo Bixi Jiray Ilaa 477 Qof Oo Shaqale ah Ayaa Ka Shaqaynjiray

Waxa Shaqo ugu danbaysay Wershada Sibidhka Berbera 1988 16- April Mudo 28 Sano ah Ayey Xidhantahay Wershada Sibidhka Berbera Oo ahayd Tii Ugu Weynayd Dalkii Somaliya Laysku Odhan Jiray.

Sida Dad Xog-ogaal ihi sheegeen Wershada Ilaa Hada wax weyn ma gaadhin waayo waxay ka samaysantahay Biro Culculus Oo Aan Cidina Fur furan Karin Balse Iyada Oo Sanadaha Badan Laga Joogo Shaqadii Wershada Nasiib Wanaag Waxa 12 Bishan Ay Xukuumada Somaliland Ku Dhawaaqday In Dib Loo Kicinaayo Wershada .

Waxaana Maalgashiga wershadaasi ay si toos ah Ugu Wareejisay Xukuumada Somaliland Shirkadaha

Berbera Cement 30%.

Dahabshiil Company 30%

Kipko Kuwait Company 30%

Dowlada Somaliland 10%

Oo Mid Walba Saamiga Kor Ku Xusan La Siiyey.

Dawlada Somaliland ayaa talaabadan Horumarka ah Ka qaaday wershada iyada oo dhawr jeer ooh ore ay suura geli weyday in dib loogu dhawaaqo Kicinta Wershada Sibidhka Oo Ay Hor istaageen Dad ku qanacsanaa Dhismaha Madhalayska ahaa Oo Dusha Ka Eeganayey  Wershadaa Bilaa Waxsoosaarka ah.

Shirkadahan Lagu wareejiyey Wershada Sibidhka Berbera Ayaa Rajo Laga Qabaa Inay Ka Midho Dhaliyaan Hadafka Maalgashigooda Maadaama Ay Ku Jiraan Shirkado Muwaadiniin ah.

Maalgashigan Ayaa Imanaya Ka Dib Markii Dhawaan Ay Xukuumada Somaliland Wareejisay Dekeda Berbera Waxaana Ay Arrintan Noqonaysaa Dib U Soo Dhalashada Magaalada Berbera Oo Kaalin Muhiim ah Kaga Jirta Dhismaha Horumarka Iyo Dhaqaalaha Somaliland.

Maxamed Moto

Contact:Maxamedmoto@gmail.com

Leave a Reply

Scroll To Top
Descargar musica