Xadhiga Xidigaha Geesku: Xad-gudub badheedha mise Xaal-marin Qaran? Faallo

By: Saleebaan Kalshaale

Waa arrin maalmahanba  Dood badan  ka dhex abuurtay Bulshada oo ay hadal-haynteedu socotay.

Afarta Fannaan ee kala ah Nimcaan Hilaac, Cabdiraxmaan Oday, Xamda Queen iyo Maxamed Axmed Bakaal oo Cirro loo yaqaano ayaa Maxkamad la soo hortaagay Salaasadii Maanta,   kaddib markii Ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen saddex maalmood ka hor, marki ay ay ka soo degeen Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada, iyagoo ka soo laabtay socdaal-faneed ay ugu maqnaayeen Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

goobaha lagu kulmo iyo dabcan Marshafyada Qayilaada ayaa waxaad arkaysaa iyadoo ay dadku ku murmayaan sifaha loo maray xadhiga Fanaanniintan, iyadoo dadka qaar ku dooddayaan in khalad loo xidhay, qaarna ku dooddayaan in talaabo ku haboon laga qaaday Wiilasha iyo Gabdhaha.

Labada qolloba waxay daliilshanayaan aragti ay dhankooda sax u arkaan, qolada diidan xadhiga Fanaanniintu waxay ku andacoonayaan Fanku xad malaha, hoobalkuna qabiil, Qayb siyaasaddeed iyo deegaan khaasa malaha,

kuwa taageersan in ciqaab la mariyo, Fanaaniintaasi waxay iyana ku dooddayaan inay meel kaga dhaceen Qarranimada iyo qadiyada Muwaadinimo ee ay huwanaayeen.

Waxay ku tilmaamayaan inay ahaayeen Fanaanniin Qaran oo huwwan Magaca iyo karaamada Shacbiga Somaliland, isla markaana intay ka dageen Xamar Calankii Buluuga ahaa qaatay. Calanka Bulluugaa waa kii ay Somaliland madaxbanaanideeda kala soo noqotay, waana laga necebyahay deegaamo kamida Somaliland.

Muranka labada dhinac ayaa ah mid aad u adag. hase ahaatee qolona sharci cad oo dooddooda Muqadas kadhigaysa ma daliilshanayso. balse waxa kamida waxyaabaha ay ku xoojinayaan aragtiyahooda dhacdooyin hore iyo arrimo sooyaal ah, sida fanaaniin reer Muqdisho ah oo Hargeysa yimi, si wacana loogu soo dhaweeyey, calanka Somaliland-na fagaareyaasha kaga heesay iyo dareenno kale oo dhinaca Siyaasada u janjeedha. tusaale ahaan inay gef tahay in qof caan ah ama Muraayada Bulshadu dheehato kamid ahi Xamar tago, amaanno Muqdisho iyo Dawladda ka dhisan, ama uu ciseeyo Calanka Buluuga ah ee Shanta xidigood leh.

hadaba marka ay arrinta xadhiga Fanaaniinta Xidigaha Geesku bulshada dhexdeeda sidaas ka tahay, ma jiraa sharci si cad u qeexaya arrintan, kaasoo fasaxaya in xoriyada laga qaado Hoobalada xidhan?

Tani waa Su’aal aan filayo inay jawaabteedu ku adagtahay xataa dadka Sharciga Tacliiqiya ama tafsiirka ka bixiya, waayo waa arrin loo yeellay Miisaan aanay lahayn, iyadoo aad moodo in dhinac qudha wax laga geeyayo, dhinacaas oo ah dhanka xakameynta fikirka Soomaaliweyn inuu mar kale meesha ka saaro qadiyada gooni-isutaaga Somaliland, anigu waa sidaan u fasishay, iigana muuqatay doodda masuuliyiinta dawladda ee dambiileyaasha u aqoonsaday Hoobalada.

Intaa kaddib, inta aanan u daadegin aragtidayda ku saabsan xadhiga fanaanniinan, aan isweydiiyo oo aan idin waydiiyo dhowr su’aallood oo aan u arko muhiim, kuwaasoo aan rabo laftiinu inaad dooddiina ku darsataan.

Xadhig ma xalbaa?

Dawladdu miyey wayday dariiq kale oo ay Afartan Muwaadin ku abaal-mariso haday Dalka iyo dadka dambi ka galeen?

Ma jiraa xeer ama sharci xaddeynaya inaanay Fanaanniinta u dhashay Somaliland ka heesi Karin deegaamo kale oo dunida kamida..?. haduuse jiro maxaa loo joojin waayey marka ay bandhig-fanneedyada ku soo dhigayaan Kooxdan lafteedu Magaallooyinka kale ee ay Soomaalidu ku nooshahay, siiba kuwa Gobolka, sida Jig-jiga, Djibouti, Nairoobi iyo deegaamada kale?

Fanku xad ma leeyahay, hadii ay jawaabtu tahay haa, sow lama odhan karo Saxaafadda iyo Ciyaaryahanada Kubadda dheela, iyo dabcan jilleyaasha kale ee Bulshaduna isagama talaabi karaan Hargeysa iyo Muqdisho?. Dee waa haaye sidee loo jiddeynayaa..?. hadiise la jideeyo maxaa maxay soo kordhinaysaa talaabadaasi?.

Su’aallahan anigu waxaan isu waydiiyey hoga-tusaalleyne, hadaad haysaan idinkaan idiin dhaafayaa Jawaabaha ee qof wallowba maankaaga iyo Maskaxdaada la kaasho oo keen jawaab ku qancisa adiga, inta aanu qof kale kula wadaagin

Dulucda qormada iyo Dareenkayga shakhsi ah ee ku aaddan arrintan, aan ooda ka qaado’e, waxa afeef iga in aragtidu tahay mid aan run ahaantii ogahay inay jiraan dad badan oo igu saluugi kara iyo qaar ila fikir noqon kara, labadubana waxay iga mudanyihiin inaan soo dhaweeyo.

Araariyo Afeef-ba kaddib, aan toos u guddo galo Mowqifka aan ka taaganahay xadhiga lagula kacay Afarta Fanaan ee ka tirsan Kooxda Xidigaka Geeska.

1-Anigu waxaan aaminsanahay inay arrintani diciifinayso quwada iyo qiimaha dawladnimo ee Somaliland ka dhisan, hoosna u dhigayso sumcada iyo Mustawaha aynu isla joogno ama ay dunidu u ka aaminsanayd waddanka.

2-Waxa kale oo aan aaminsanahay inay talaabada dawladdu ka qaaday afarta ruux ee dhalinyarada ah ee shacbiyada badan haystaa, muujinayso qiimaha in qof xidhaa inta uu joogo ama ku simanyahay, iyo sida aanay micno ugu fadhiyin in qofka dambi loogu sameeyaa.

3- waxa kale oo Xadhiga hoobaliintu i tustay inaan nidaamka dalka ka jiraa lahayn qorshe iyo aragti fog oo lagu ilaaliyo qiyamka iyo qadiyada aanay dunidu aqoonsan ee madaxbanaanida, waa shaqada ay xukuumadda ama cid Maamulka haysaa lahayde , aanay jirin hufnaan iyo hanaan dawladnimo oo ka turjuma dabeecada iyo dareenka shacbiga.

4-waxay ii beyaamisay inay dadka reer somaliland yihiin dad baadiya oo aan lahayn sumad lagu yaqaano kun sannadood haday dalka ka maqanyihiin iyo haday joogaanba, inaanu jirin rabitaan dhamaystiran oo aanay isku gedman karin dadyowga kale ee Jinsiyada Soomaalinimadu ka dhaxayso.

5-waxay ii iftiimisay arrintani, inaan dimuquraadiyada dalku ku dhisanyahay, dastuurkana lagu saleeyey iyo nidaamka maamul ee jiraa aanay ahayn kuwo ab iyo isir toona wadaaga, islana jaanqaadaya ilaa inta ay arrimahani dhacayaan, taas bedelkeedana hab-maamulka dawladnimo la haysto wakhtigii Casri-jaahiliga ahaa ee ay dimuquraadiyada sheegan jireen dawladihii Keli-taliska ahaa ee midowga Soviet-ka.

6-waxay cadaan ii tustay xoriyad ka qaadista Fanaanniintu, in masuuliyadii dawladnimadu meesha ka baxday, falalka noocan ah ama ficiladani yihiin kuwo ka soo fulay, qof ama qayb kamida Nidaamka oo aan fahansanayn qiimaha dadka dalka u dhashay leeyihiin, sida loo kasbado dhamaan qaybaha bulshada iyo waddooyinka dadka la isugu hayo. (National Organizing system).

7- waxaan ku ogaaday dhacdadan, in dawladda Muqdisho ee aan wali cagaheeda ku istaagini ka fur-furnaan, debecsanaan iyo dawladnimo wacantahay Maamulka Somaliland ka jira ee 25 sanno jirsaday, marka la eego dhowrista sharciga, kala dambeynta iyo u darbanaanta Kasbashada Mujtamaca, waxaana taas daliil kuugu filan, hadaad isbarbar-dhigto sida ay labada hogaamiye ee labada wadan (Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheikh) u xaliyaan khilaafyada Siyaasaddeed iyo Mushkiladaha kale ee la soo dersa labada Qaran ee ay kala hogaamiyaan. sida khilaafyada Doorashooyinka iyo dooddaha sharci ka dhasha. Bal u fiirso, Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu bishan iska badbaadiyey Mooshin xil ka qaadis ah oo ay  Golaha Baarlamanku ku hujuumay, isagoo aan cidna xidhin, cidna si qaawan u qalicin, ayuu qunyar kala fur-furay kudladii Xildhibaanada ahayd ee Mooshinka diyaarisay, waxaanu ku qanciyey in wixii ka khaldan lagula xisaabtami doono Shirka Aayo-ka-tashiga Qaran ee uu gogoshiisa fidiyey.

bal taas cakiskeeda eeg Madaxweyne Siilaanyo waxa uu bil iyo dheeraad xal u la’yahay Hindisaha xukuumaddiisa ka yimi ee ah Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka oo uu doonayo in lagu wareejiyo Shirkaddo gaar loo leeyahay. waxa uu dalka ka dhoofay iyadoo ay madaxa iskula jiraan Madaxdii xisbigiisa iyo xubno kamida Golihiisa wasiirradu, shacbigu kacsanyahay, xiisadii Wareejinta Haamuhuna cirka ku shareerantahay. waar ma annagaa waalan mise Cadanbaa laga heesayaa!!.

waxba yaanan ku sii tiigaalin falanqeynta iyo fal-celinta dhacdadan fool-xumadeeda leh, waxaan ku soo uruurinayaa. Ogow mudane iyo marwo hab-dhaqanka dawlad xun waa waxaynu ka dagaalanay ee aynu u ridnay nidaamkii Siyaad Barre ee libaaxa Afrika loo yaqaanay.

Sidaas darteed, Miisaanka hala saaro Ficilka ay Fanaanniintu ku kaceen haba qaldanaadee iyo nusqaanta ka dhalatay fal-celinta lagaga jawaabay ee qaranka saameynaysa.

Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen iyo Baarlaman umadda u cadeeya inaad ka noqoteen heshiiskii aad dawladda Soomaaliya la gasheen ee aad ku ogolaateen in isu socodka Bulshooyinka, ganacsiga iyo howlaha kale ee ka baxsan siyaasadu ay banaanyihiin.

U caddeeya shacbiga in tegitaanka, ka shaqaysiga iyo soo hadal qaadka Muqdisho ay tahay qaran-dumisnimo.

Keena Siyaasad cusub oo ay bulshadu ku liqi karto inaanay Soomaalida inaga dhaxayn, dhaqan, Diin, Suugaan, Af iyo Jinsiyada Dhalashada ee Midabka iyo isirka ku salaysan.

Intaasoo aan hore u jirin hadii caawa la soo dejiyo, marka dadka loo beyaamiyo halugu dhaqo, balse inta ka horaysa qofna kuma muteysan karo Ciqaab iyo cawaaqib xumo toona, kuwan Fanaanniinta ah ee xidhana inta xoriyadooda loo soo celiyo, waliba xaal hala siiyo.

By: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Tafaftiraha Guud ee Gobanimo News Agency

Email: editor@gobanimonews.com

Leave a Reply