Xaglatoosiye Waa Xubin, Xagga Saree Wasiirada,,Isxambaar Kumuu Iman….

By:   Ismail Abdillahi Handuleh

Maanta waxaan kala dhexgalay ama runta u kala sheegayaa, Qolo aan awoow u ahayoo isku soo muruxsaday

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.

                   S.C.W.R.W.B

 
 

Salaantaas Islaamka kadib waxan tu khaas ah u soo dirayaa, Dhamaan bahda akhristayaasheeda.

Maanta waxaan kala dhexgalay ama runta u kala sheegayaa, Qolo aan awoow u ahayoo isku soo muruxsaday.

Siyaasadu waa sun qooshan.

1-XAGLATOOS’SHE WAA XUBIN,

  XAGGA SAREE WASIIRADA,

   ISXANBAAR KUMUU IMAN

   XAASHEE KA SHARF BADAN.

 

2-XAGASHO IYO CAYDAA,

   XAJIINTAA MARMARISEEN,

   XEERKAY GOBI LAHAYDIYO,

   XAAJADEEDEE MAY HAYN.

 

3-XAALBAA IDINKU WAAJIBAY,

   XAGGANA LOOGA BIXI KARIN,

   KAMAYDAAN XISAABTAMIN.

    XURMONA WAY IDIIN TAHAY.

 

  

4-XUMO HADDAAD FALAYSAAN,

    XARAGADA LAGAMA TAGO IYO,

    XAAJO BEELEED,XABAD WEEYE,

    KUGU MAQAN ILAM XABAASHANA.

  

 5-XAAFADINA XANAAQDOO,

MOOJI XAAJO SIDA NOQON,

   XEERIN WAYDE QARANIMO,

   XOORTE SHARAFTI REERNIMO,

  

6-NINKAA XAASIDAYSAAN,

   XOOG LAGUMA SOO QABAN,

   AMA XEELAD  LACAGAGEED,

  XAQIINUU U SOO GALAY.

 

7-XANTII FULI MA MOOGEE,

   MARKUU IDIIN  XASILIYAA,

   IDINKUNA XANAAQDEEN,

   XOOLII IDINKA JOOGSADAY

 

 

 

Leave a Reply