Xiddigaha Geeska: laab-saalax ma isagaa go’aansaday xil-ka-qaadista lagu sameeyey?

Kooxda Xiddigaha Geeska, ayaa sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahoodii Xasan Saleban Dhuxul (laab-saalax), kaasoo lixdii sannadood ee u dambeeyey maamulayey ,waxaanay doorteen maamul ku-meel-gaadh ah.

Halkan ka daawo:

Laakiinse Abwaan Laab-saalax, ayaa Ku dooday inuu iskii uga tegay xilka Guddoomiyaha Kooxda, kuna war-geliyey ka hor intaanay kooxdu Soo saarin go’aanka shaqo ka caydhintiisa.

Halkan ka Daawo:

Kooxda Xiddigaha Geeska ayaa ah koox-fanneedka ugu weyn ee wakhtigan ka dhisan Dhulka Somaliland, waxaanay bandhig fanneedyo Ku qabtaan Somaliland iyo wadamada Gobolka.

Leave a Reply