Xikmada iyo Ujeedada aan mar keliya Qur’aanka Nebiga loogu soo jedin.

Xikmada iyo Ujeedada aan mar keliya Qur’aanka Nebiga loogu soo jedin.

Qaybtii 2aad ee Taariikhda Qu’aanka

Waxa jira qoddobo badan oo culimada Islaamku ku tilmaamaan inay yihiin kuwa sababta u ah in Qur’aanka lagu soo dejiyey Nebiga NNKHA isaga oo kala furfuran oo aan jumlad mar wada socota ahayn waxaana ka mid ah:

  • In qalbiga Nebiga lagu hubsado Qur’aanka, ujjeedaduna tahay in loo adkeeyo xifdigiisa, inuu u noqdo xujo marka ay dooda adag kala hor yimmaadaan gaaladu iyo inuu xaqiijiyo mucjisooyinka uu Ilaahay ku galaday Nebiga.
  • In la baro Nebiga sida loo tarbiyadeeyo dadka gaar ahaan dadkii u ka soo dhex baxay oo ahaa ummad bilaw ah oo ay ku cusub tahay diintu, waxa loogu dhibriyey kolba siday u qaadi karaan waajibaadka la saarayo sida salaada , soonka iyo sekeda oo mar keliya laguma wada waajibin, sidoo kale waxa aayar aayar laga saaray khaladaadkii dhinaca nolosha ee ay ku jireen sida khamri cabista, ribada, dhiig daadinta iyo danaysiga, waxaana loo bedeley halyeyo naftood hurayaal ah taas oo Nebiga ku qaadatay muddo dheer inuu dadkaas diyaariyo.

Bal haddii aynu u fiirsano qaababkii kala duwanaa ee cibaadada loogu waajibiyey Nebiga iyo dadkii la noolaa waxay ahayd qaab xikmad, degenaansho iyo u dhibirsani ku jirto, tusaale ahaan Salaada waxa lagu waajibiyey intii aanay asxaabta iyo Nebigu NNKHA ka hijroon magaalada Makka, Soonka waxa lagu waajibiyey ka dib laba sanno markii ay degenaayeen magaalada Madiina sidoo kalena Xajka waxa lagu waajibiyey sannadkii Lixaad.

Dhammaan hawlahaas oo dhammi waxay tilmaamayaan xikmadii ku jirtay soo kala hor dejinta Quraanka iyo sida uu Ilaahay ugu talo galay inuu Nebigiisu ku barbaariyo ummada isaga oo aan ugu horeynba gacanta ka hadleyn laakiin is qancin iyo wax isku sheegid ku bilaabaya hawlaha cusub ee loo igmaday.

  • Qoddobada kale ee loo soo kala hor dejiyey Qur’aanka waxa ka mid ah in dadka muslimiinta ah lagu beero dareen ay rumaystaan waxyiga cusub ee ay qaateen, kaas oo si gaar ah iyo si guudba ula socday xaaladaha noloshooda.
  • daweynta dhacdooyinka maalinlaha ah ee kala duwan ayaa ka mid ah sababta Qur’aanka mar keliya loogu soo dejin waayey Nebiga, tusaale ahaan dhacdooyin badan oo masiiri ah oo dhacay waqtigii Nebiga waxa lagu daweeyey Qur’aan ku soo degey oo soo afjaray hadday muran dhalisay iyo haddii shaki ay abuurtayba.
  • Waxa Qur’aanka lagaga jawaabayey su’aalaha culus ee gaaladu u diyaarsatay inay Nebiga ku jebiyaan , kuwaas oo dhammaantood Qur’aanku ka jawaabay hadday tahay nafta oo ay weydiiyeen iyo haddii ay tahay taariikho hore oo ay wax ka su’aaleenba.
  • Dhacdooyinka Qur’aanka lagaga jawaabayey waxay ahaayeen kuwa wadareed amma kuwa keli keli ah dhammaantoodna wuxuu Qur’aanku ka daweeyey dhibaatooyin haystay oo kala duwanaa. waxa ka mid ah dhacdada kooxdii isku bahaystay inay xaaska Nebiga been abuur ka sheegaan oo magaalada Madiina gilgilshay markii warkeeda la maqlay si aad u ba’anna taabatay gurigii Nebiga oo xataa keentay inay Caa’isha RC u wareegtay gurigii abbeheed iyo hooyadeed, laakiin iyaga oo dadku rumaystay warkaasi ayuu Ilaahay soo dejiyey Qur’aan sharaxaya siday wax u dheceen iyo sida beenta loo sameeyey. Lasoco….
  • By:Cabdilaahi Beershiya

Leave a Reply