Monday , 26 June 2017
Breaking News

Xukuumadda oo sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo booqasho ku tegayo Imaaraadka

Safiir Baashe oo ka hadlay Sababta Muwaadin u dhashay Somaliland looga soo celiyey Wadanka Imaaraadka…

Safiir Baashe iyo Cumar Ismaaciil Madar

Hargeysa(GNA)-Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL socdaal gaar ah ku tegi doono dalka Imaaradaha Carabta, qaadan doona muddo toban maalmood.

Wareysi shabakada SomalilandSpan.com la yeelatay Amb Baashe Cawil Cumar, isagoo ku sugan magaalada Dubai,ayaa sidoo kale wax lagaga waydiiyey sababta keentay in dalka Imaaraadka laga soo mustaafuriyo nin lagu magaacaabi Ismaaciil Cumar Madar, oo Somaliland u dhashay ayaa sheegay in ninkaasi  maanta ciidamada Amaanka Somaliland ku qabteen isagoo ka dhoofaya madaarka Cigaal una socda dalka Qatar.

Safiir  Baashe Cawil oo ka jawaabayey ayaa yidhi, “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.

Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii uu helay la siiyey.”

Mar la weydiiyey, hadii aan laga soo mustaafurin Dubai, maxaa keenay inuu sidaa warbaahinta ka sheego, ayuu ku jawaabay,”

“Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.”

“Markaa sababta ciidamada Amaanku u qabteen maxaa loo fasiran karaa, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, “Ciidamada Amaanku  xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan.

Leave a Reply

Scroll To Top
Descargar musica